Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo cusub oo loo diyaariyay sugida Amaanka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah.

“Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Alshabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.”

Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan.

Dhankooda, dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo ka Dalbaday Trump in uu raali galin ka bixiyo hadalkii Gafka ahaa

admin

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo ciidanka oo heegan dheeraad ah la galiyay

Cabdi Cade

Cumar Dhalaxow oo galabta lagu dilay Muqdisho iyo Gudoomiye Mursal oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---