Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka sare oo shaaciyay in la Been abuuray afar xeer oo la horgeeyay BF

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Caashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in been abuur lagu sameeyey xeerarkii dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Gudiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen.

Waxa uu qoraalka ku sheegay Cabdi Xaashi mid aan aheyn xeerarakii saxdaa in la hor geeyey Golaha Shacabka‬ ayna qaarkood meel mariyeen, waxa uuna Gudoomiyaha aqalka sare dalbaday in la joojiyo ka doodista iyo ansixinta xeerarkaasi inta laga saxayo.

Qoraalka kasoo baxay Gudomiyaha Aqalka sare ayaa lagu faray Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka inaysan doorashada ku saleyn xeerarka Golaha Shacabka ay qaar ansixiyeen qaarna ka doodayaan,iyada oo aan sixid lagu  sameyn.

Gudoomiyaha Aqalka sare qoraalka kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaanada Golaha shacabka ay meel mariyeen labo kamid ah afar xeer oo loo soo gudbiyay kuwaa oo hada la sheegay in la been abuuray waxna laga bedelay xeerarkii la isku ogaa.

Related posts

Madaxweyne Macron oo ka Qoomameeyay Hadal uu ka sheegay dal Afrikan ah !

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgal culus fuliyey & Taliye Odowaa oo faahfaahin ka bixiyey

Caydiid Ali

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---