Ciidamada Danab oo howlgal culus fuliyey & Taliye Odowaa oo faahfaahin ka bixiyey

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoska Xoogga dalka Danab ee Danab ayaa la sheegay iney howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeeb wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalyahan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa tuulooyin xariiriya Janaale iyo Qoryooleey

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Guudto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Howlgalkaas uu ahaa mid laga baaraan degay, laguna guuleystay.

“Jab xoogan ayaa lagu gaarsiiyey cadowga, maleeshiyaad badana waa looga laayey, howlgalkuna waa sii socon doonaa inta laga adkaanayo argagaxisada” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Guudto Odowaa Yuusuf Raage.

Jeneraal Odowaa waxa uu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 dagaalyahan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo uu xusay iney dhibaato iyo gumaad ku hayeen shacabka degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -