Doorasho Xamaasad leh oo goordhaw ka dhacday magaalada Jowhar (Yaa ku Guuleestay)

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#009 , waxaana kursigan ku tartamayay xildhibaankii horey ugu fadhiyay iyo musharax kale.

Doorashada kursigan ayaa aheyd mid xiiso iyo xamaasad badan, waxaana labada musharax doorashada kahor galeen olole xooggan ay ku kasbanayeen codadka ergada wax dooraneysay.

Kursiga HOP#009 waxaa ku guuleestay Cali Xassan Ibrahim oo helay 67 -cod halka xildhibaankii horey ugu fadhiyay kursigan Abdisataar Abdisalam Hassan Barsane isna helay 33-cod sidaasna ku waayay kursigii uu horey ugu fadhiyay.

Dad badan ayaa filayay in kursigan mar kale kusoo bixi doono xildhibaan Abdisataar Abdisalam Hassan Barsane oo horey ugu fadhiyay, hasa ahaatee Xildhibaanka ayaa lumiyay kalsoonida ergada beeshiisa ee wax dooraneysay.

Xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Jowhar ayaa la filayaa in si degdeg ah kusoo gaaro magaalada Muqdisho si uu u qaato shahaadada Xildhibaanimo uuna qeyb uga noqdo Xildhibaanada arbacada dooranaya guddoonka gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -