Dowlad shaacisay iney Soomaaliya ka bixineyso deyn gaareysa $353 Milyan oo Dollar

Dowlada Norway ayaa Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3.1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 milyan oo Dollar sida lagu sheegay War saxaafadeed rasmi ah ah oo maanta kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee dalkaas

Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA. taasoo Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii (xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqaas, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayo nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaasoo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib u soo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -