Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo aqbalay dalab culus oo ka yimid Midowga Yurub

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku casuumay Ukraine inay ka qeyb gasho “wadahadal toos ah” oo dhici doona 15-ka May, saacado kadib markii hogaamiyeyaasha Yurub ay ku booriyeen Moscow inay ogolaato xabbad-joojin 30 maalmood ah.

Khudbad telefishan oo dhif ah oo uu xiili dambe oo habeenimo ka jeediyey aqalka Kremlin-ka, Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu raadinayo “wadahadallo dhab ah” oo loogu talagalay “in loo dhaqaaqo xasillooni iyo nabad waarta oo xooggan”.

Xilli hore oo sabtidii ah, Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa booqday Kyiv isagoo la socda hogaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, iyo Poland si ay cadaadis ugu saaraan Ruushka inuu aqbalo xabbad-joojin aan shuruudo lahayn oo bilaabmi doonta Isniinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa markii dambe sheegay in Moscow “ay tahay inay tan ka fikirto” – laakiin wuxuu ka digay in “isku dayga in la cadaadiyo ay tahay wax aan faa’iido lahayn”.

Bayaankiisa gaarka ah, Putin wuxuu ku sheegay inuusan”ka saari karin suurtagalnimada ah” in wadahadalladu keeni karaan heshiis xabbad-joojin cusub oo ay gaaraan Ruushka iyo Ukraine.

Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in wadahadallada la soo jeediyay lagu qaban karo magaalada Istanbul ee Turkiga, sidii horayba loo sameeyay, isla markaana uu Axadda la hadli doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada hadlaan faahfaahinta.

 

Related posts

Rooble oo Xeebta Liido iyo Beerta Nabada kula damaashaaday Shacab badan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashadii ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Guddoonka Golaha shacabka oo toban cisho u qabtay Wasiir Oomaar (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---