Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor-qoor & xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo galabta booqday xeebta Hobyo (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa Wasiiradda ayaa galabta booqday xeebta Magaalada Hobyo.

Qoorqoor ayaa waqti nasiino la qaatay qaar ka mid ah Golaha wasiiradda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa xariga ka jaray dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Ducaale Kaahiye oo laga hirgaliyey magaalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehliyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Galmudug gaar ahaanna Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo xubno kale.

Dugsiga cusub ee Ducaale Kaahiye oo ay dhiseen Jaaliyadda reer Galmudug ayaa waxaa ka fiideysan doona bulshada reer Hobyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isimada SSC oo ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh in uu hal arrin kala cadeeyo

Cabdi Cade

Askari Gadoodsan oo dil iyo Dhaawac galabta ka geestay Muqdisho

admin

Saciid Ciise: “Qaadista xayiraada hubka waxay ka dhigan tahay Somalia oo mar kale..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---