Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad oo amar culus siiyey Saraakiisha qeybaha Booliska (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada, Taliyayaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee todobaadlaha ah kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay Xakameynta Hubka sharci darada ah ,ka hor tagga Dhibaatada ay geystaan  Al-shabaab, Diiwaangelinta Hantida Ciidanka Boliiska oo ay ku jiraan Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Agabka kale si meesha looga saaro isticmaalka hantida Dawladda ee aan munaasibka aheyn.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo Saraakiisha Dawladda uga mahadceliyey shaqada ay hayaan ayaa amray in dedaal xoogleh la geliyo sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci darada ah ee Magaalada Muqdisho lagu dhexwato , waxaanu uu Hogaanka Isgaarsiinta faray in iyaguna dib u eegis ku sameeyaan adeegyada isgaarsiinta Ciidanka si loo helo Isgaarsiin hufan oo amaan ah .

Related posts

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay labo Madaxweyne iyo Amiirka Qatar

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi oo ka hor yimid sida loo xaliyey khilaafkii Siyaasiyiinta gobolada Woqooyi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---