Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qaaday talaabo horey looga digay

Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabisay hub cusub oo casri ah, sida ay ku warrantay warbaahin ay dawladdu leedahay, waxaana tijaabadaas goob joog ka ahaa Hoggaamiyaha dalkaas Kim John un.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi wax  faahfaahin ka bixinin nooca hubkaas la tijaabiyey, waxayse sheegtay in hawshan wakhti hore laga shaqeeyay, ayna ku soo dhamaatay guul.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Kuuriyada Waqooyi hub ku tijaabinayso muddo sannad ah.

Kim iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku heshiiyey bishii Juun ee sanadkan in gacanka Kuuriya laga cirib tiro hubka Nukliyeerka ah, balse lama shaacinin faahfaahinta heshiiskaas.

Sawirro satellite-ka laga helay ayaa muujiyey in ay jiraan goobo gantaallo oo dalkaas ku yaalla, waxaana arintaas ka dhashay tuhun weyn

Dad badan ayaa aaminsan in Kuuriyda Waqooyi aysan ka go’nayn horumarinta hubka iyo xiritaanka goobaheeda gantaallada, waxayna arintani dhaawaceysaa dedaaladii nabadeed ee mudooyinkan ka socday gacanka Kuuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -