Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar si weyna loogu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib uguĀ  laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiiro Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada Jowhar iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirkii 6aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo looga heshiiyay dardargalinta wajiga labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab iyo hanaanka doorashooyinka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xil sare u Magacaabay Cabdisalaan Hadliye Omar

Caydiid Ali

Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo Magaalooyin istaraatiiji ah kala wareegay kooxda TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---