Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka BandiIradley (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Mahad Caabi Ciise ayaa maanta kormeeray Isbitaalka degmada Bandiiradley ee gobolka Mudug oo ay ka socdeen howlo bulshada loogu adeegayo.

Komeerkan ayaa waxaa Wasiir ku-xigeenka ku wehliyey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo xubno kale.

Wasiirka ayaa u kuurgalay sida habsamida leh ee ay u socdaan howlaha Isbitaalka oo maalin kasta adeegyo kala duwan oo Caafimaadka u fidiya shacab fara badan oo ku nool degmada Bandiiradley iyo degaanada hoos yimaada.

Sidoo kale, Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa booqday bukaanada ku jira Isbitaalka, iyagoo warbixino ku saabsan xaalada Isbitaalka ka dhegeystay Maamulka iyo dhaqaatiirta ka howlgasha.

Mahad Caabi Ciise Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku amaanay Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Bandiiradley sida hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegayaan bulshada halkaasi ku dhaqan, isagoo ku booriyey iney dedaalkooda sii xoojiyaan, wuxuuna u balan-qaaday in Wasaaradiisa ay diyaar u tahay iney ka jawaabto intii karaankeed baahiyaha isbitaalka.

“Waxaan ku arkay Isbitaalka howl aad u baaxad weyn oo ay ka faa’ideysanayeen Bulshada Magaalada Bandiiradley iyo dadka ku nool degaanada ku hareereysan, Waxaan u mahad celinaayaa Hay’adaha gacanta ku haya iyo masuuliyiinta  degmada oo ku bixiyay maskax iyo waqti badan” ayuu yiri Mudane Mahad Caabi Ciise.

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug ayaa ugu dambeyn Maamulka Isbitaalka ku wareejinay labo Mashiin oo kuwa Oxygenka ah, maadaama ay cabsi badan ka jirto laba kacleynta cudurka Covid-19 oo dhibaato badan ku haya caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -