Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Midowga Yurub oo wadahadalka Somalia & Somaliland ku tilmaamay..

Midowga Yurub ayaa war ka soo saaray wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxayna ku tilmaameen talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed.

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Midowga Europe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi ayey sheegeen iney ka go’an tahay sii wadida iyo horumarinta hanaankan nabada.

“Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo  amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Nin aflagaadeyey Nebi Maxamed NNKH oo garaacis lagu dilay

Caydiid Ali

Dad loo xiray dilal ka dhacay Muqdisho iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Guri gubtay oo lagu iibinayo lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---