Dad loo xiray dilal ka dhacay Muqdisho iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Ciidamada booliiska oo howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka wada magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in gacanta ku soo dhigeen dad lagu tuhmayo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dad kale dhac geesanayay.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen oo Warbaahinta la hadashay ayaa faah faahin ka bixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada booliiska ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegtay taliyaha in ciidamada soo qabteen dad la tuhmayo in dilal geesteen qeybo kamid ah Muqdisho iyo dad kale oo oo ku guda jiray falal amaanka lidi ku ah iyo sidoo kale dhac .

Gen Zakjiya ayaa sheegtay in baaritaano ku socdaan dadka lagu tuhmayo dilalka iyo dhaca ee lagu soo qabtay howlgalada cidamada , waxa ayna sheegtay in dadkaasi cadaalada la horgeyn doono.

Hadalka kasoo baxay taliska booliiska ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baxsaday ragii hubeesnaa ee dilalkaasi fuliyay.

- Advertisement -