Guri gubtay oo lagu iibinayo lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar !!

Guri kuyaala dalka Canada ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta Caalamka ,kadib markii gurigan oo ku gubtay dab qabsaday Suuqa lasoo dhigay iyada oo lagu rabo lacag aan caadi aheyn.

Gurigan oo gubtay sanadkii hore ayaa hada lasoo dhigay iibkiisa suuqa, waxaana gurigan lagu doonayaa lacag dhan C$3.9 oo lacagta Canada ah, una dhiganta $3 milyan oo doolarka Maraykanka.

Shirkada iibineysa gurigan gubtay oo kuyaala magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa qiil u sameysay lacagta tirada badan ee lagu doonayo gurigan, waxa ayna shirkada sheegtay in dhulalka magaaladaasi kuyaala ay yihiin kuwa aad u qaali ah.

Wakiil u hadlay shirkada iibineysa gurigan gubtay ayaa sheegay in qiimaha qaaliga ah ee lagu rabo gurigan ay sabab u tahay halka uu kuyaalo dhulka iyo baaxada uu leeyahay, waxa uuna tilmaamay in dhulkaan waxyaabo kala duwan laga dhisi karo.

Magaaladan ayaa ah kuwa ugu qaalisan adduunka marka ay timaado in guri la iibsado, iyada oo qiimaha dhexdhexaadka ah ee guri lagu iibsan karo uu ka biloowdo $1.6 milyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -