Nin Oday ah oo Muqdisho loogu dilay sigaar Owgiis iyo caro ka dhalatay

Askari ilaalo u ahaa Gudoomiyaha degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa maanta  Isgooska Ceel Gaabta ee magaalada Muqdisho ku dilay nin oday ah ,kadib muran labada nin dhax maray.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay ninka la dilay oo miis alaabo kala duwan lagu iibiyo ku lahaa isgooska Ceelgaabta uu muran ka dhashay iibinta sigaar uu dhax maray askariga kadibna sidaas lagu toogtay.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha xili in uu baxsado uu isku dayayay.

Dad badan ayaana ka carooday dilkan ninka odayga ah loogu geestay Isgooska ceelgaabta, waxaana dad ka carooday dilkaasi daqiiqado xireen laamiga si ay u muujiyaan caradooda iyo sida ay uga xun yihiin sida xaqdarada ah ee loo dilay ninka shacabka ahaa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xiliyada qaar dad shacab ah ku dila xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan noqdeen kuwa joogta ah oon wax badan laga qaban .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -