Madasha Xisbiyada Qaran: Waxaan mar kale ka digaynaa fara gelinta Itoobiya”

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirki golaha ammaanka Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa ku celisay baaqi 13-ka bisha May ay soo saartay kaasoo lagu dalbaday in ciidamada Itoobiya ee aan kamid aheyn howlgalka AMISOM laga saaro gudaha dalka.

MXQ waxay ka mahad celisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ciidankaasoo tiradiisu tahay 19,626 askari waxay sharciyad u heystaan in gudaha Soomaaliya ay ka howl galaan ilaa 28-ka Feb. 2021 si’ ay gacan uga geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Madashu wxaay ka walaacsantahay in lagu xad gudbay, qaranimada Soomaaliya, siyaadada dalnimo, madax bannaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay 1992 ee tirsigeedu yahay 733 iyo qaraarkii QM ee 2520 oo soo baxay sanadkan 2020.

Gabagabadii qoraalkan oo toos ugu socday beesha caalamka iyo Qaramada midoobay waxaa lagu baaqay in il gaar ah lagu eego fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, ciidanka aan AMISOM ka tirsaneyn ee sharci darrada dalka ku jooga iyo in dowladda fedraalka Soomaaliya ay wada hadal dhab ah la furto madaxda maamul goboleedyada si’ loo maareeyo marxaladda kala guurka ee doorashada dalka ka dhaceysa 20/21.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADASHA OO ENGLISH KU QORAN:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -