Turkiga oo balanqaad adag u sameeyay Somalia weerarkii Afgooye ka dib

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo lala beegsaday shaqaale Turki ah oo ka qeyb qaadanayey dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 15 kale oo 6 ka mid ah ay yihiin Shaqaale Turki ahna way ku dhaawacmeen qaraxaas oo sheegatay kooxda Al-shabaab.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey Mevlut Cevusoglu ku sheegay in weerarada noocan ahi aanay ka joojinayn dagaalka ay kula jiraan aragagixisada iyo mashaariicda ay ka wadaan Somalia sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu intaa ku daray in ay mar walba garab taagan yihiin walaaladooda Soomaaliya.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada, Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda”. ayuu yiri Mevlut Cevusoglu.

Dowlada Somalia ayaan ka hadlin weerarkii shalay oo noqonaya kii 3aad ee waxyeelo ay ka soo gaarto shaqaalaha turkiga ah ee ka howlgalaya dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ka walaacsan weerarada isdaba jooga ah ee Turkiga iney hakiyaan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye oo haatan maraya meel dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -