Somaliland oo jawaab culus ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Deni

Maamulka Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland oo ahaa ineysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda shirka Jabuuti uga socda DF iyo Somaliland, isagoo taas sabab uga dhigay inaan laga qeyb gelinin shirka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Deni uu muujinayo is bar-bar yaaca iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta Soomaaliya.

“Hal dal oo Soomaaliya la yiraah ayaan naqaanaa, cida aan la xariirnana waa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho, hadalka Deni waxa uu muujinayaa kala isbarbar-yaaca dowladda Soomaaliya ka jira,” ayuu yiri wasiir Liibaan.

Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynaha Puntland uu hadalkaas ula jeeday dowladda Soomaaliya oo Puntland ay qeyb ka tahay, balse aysan jirin wax ka dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

“Wadahadallada ka dhacay dalka Jabuuti waxay Somaliland u ahaayeen fursad dahabi ah, isla markaana waxaa suuragalay shuruudihii ay wadatay Somaliland ee ahaa in laba dal loo wadahadlo iyo madal furan oo beesha caalamku goobjoog ka tahay” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -