Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee ka bogsaday COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 45 qof oo cusub,  taasoo tirada guud ee dadka bogsoday ka dhigeysa ku dhawaad 622.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 39 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed 2 qof, taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,642

Bukaannada cusub 25 kamid ah waa rag, 14-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Caalami ah la gashay Hay’adda IATA (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax Goordhaw lala eegtay xubno katirsan guddiga Doorashada Heer federaal

Cabdi Cade

Xog ku saabsan Askari dhowaan dil u geystay bajaajle oo la baadi goobayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---