Xog ku saabsan Askari dhowaan dil u geystay bajaajle oo la baadi goobayo

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaa baadi goobaya askar dhowaan falal dil ah ugu geysatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah darawalada ka shaqeysta mooto Bajaajka, dilalkaasoo keenay iney magaalada ka dhacaan  dibed baxyo rabshado wata.

Askarta baxsadka ah ee sida weyn loo raadinayo waxaa ka mid ah gacan ku dhiigle Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka tirsan ciidanka canshuuraha dowlada hoose, kaasoo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waaberi darawal bajaajle ah oo la oran jiray Ibraahim Aways Maxamed.

Laamaha amaanka ayaa sheegay la iney xog ka heleen halka uu ku dhuumanayo gacan ku dhiiglahan baxsad ah inkastoo ay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan gacan ku dhiiglaha uu isku qarinayo, gabaadna ka dhigtay degaanka uu ku nool yahay Senator Muuse Suudui Yalaxow oo ka tirsan xaafada Mariino ee degmada Kaaraan.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili nawaaxiga hoyga Muuse Suudi ay isku urursanayaan maleeshiyo beeleed isaga ku heyb ah si ay uga difaacaan weerar laga cabsi qabo iney ciidamada dowladu ku qaadaan ka dib markii uu ka soo horjeestay fulinta amar ka soo baxay duqa Muqdisho oo sheegayey in laga baxo dhulka xeradii hore ee Marino oo ay degaan ka dhigteen masuuliyiin uu ku jiro Muuse Suudi.

Saraakiisha dowlada ayaa ka cabsi qaba hadii ay halkaas ciidan u diraan iney isku dhacaan maleeshiyada Muuse Suudi ee halkaas ku sugan, ayna xaaladu yeelato weji kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa hore u balan-qaaday in la soo qaban doono sharcigana la horkeeni doono gacan ku dhiigle Maxamed Deeq Cabdi Aadan.

Dilka Marxuumkan ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo rabashado watay oo saacado badan ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, kuwaasoo sababay in ay mudo hakad galaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Aabe Aways Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim Aways Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisa uu u shaqeyn jiray qoys todoba ruux  ka badan  hooyadiisna waa hore ay ka geeriyootay, isagoo xusay inuu rajo ka qabo in cadaalada la horkeeno askarigii ka dambeeyey dilka wiilkiisa, waxaana uu ugu baaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dalka inay ka dhabeeyeen balanqaadii ahaa inay sharciga marsiiyaan ninkii dilay Wiilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -