Puntland oo ku fashilantay iney horjoogsato Taliyaha Ciidamada Dhulka DF

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo taliska 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaan gaaray degaano ka mid ah Bariga gobolka Mudug ayaa nabadeyn ka dhex bilaabay beelo ku dagaalamay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiisha la socotay ayaa kulamo kala duwan kula qaatay Odayaasha dhaqanka Mid ka mid ah beelaha dagaallamay ee degaanka Afbarwaaqo, waxayna ku guuleysteen in Maleeshiyada halkaasi ku sugnaa laga dhaadhiciyo inay ku qancaan Waan-waanta ay waddaan Ciidanka xoogga dalka.

Taliye Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Ciidankii uu watay ayaa shalay Gelinkii dambe u dhaqaaqay degaanka Towfiiq oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada beesha kale ee dagaalka ku lugta laheyd si dhankooda ay kulamo ula qaataan ayna ugu qanciyaan in ay nabada qaataan hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa is hortaag ku sameeyey in taliyuhu galo degaanka Towfiiq.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland iyo Wasiir ka tirsan Puntland ayaa dadka degaanka Towfiiq u sheegay inaysan soo gali karin degaanka taliyaha iyo ciidanka uu wato.

Balse dadka degaanka Towfiiq ayaa ka hor yimid talaabadda Puntland, waxayna sheegeen in dagaalka ay dad badan uga dhinteen, isla markaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka doonayaan inay degaanka nabad ka dhigto, maadaama Puntland iyo Galmudug ay horay ugu guuldareysteen, taasoo ugu dambeyn keentay in taliyaha iyo ciidamadiisa ay galaan degaanka Towfiiq, iyagoo halkaas kulamo kula leh waxgaradka degaanka.

Dowlada Somalia ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee milateriga Somalia Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir u dirtay inuu nabadeeyo beelaha ku dagaalamay degaanada Towfiiq iyo af-barwaaqo ee gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -