Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo mar kale eedeyn kulul dusha u saaray Madaxda DF

Madaxweyneyaashii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Max’uud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si’ adag uga hadlay xaaladda dalka.

Labada hogaamiye oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay ku eedeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabiyay masuuliyadda lagu aaminay gaar ahaan maareynta Marxaladda kala guurka ee doorashooyinka, xiriirka Maamul goboleedyada iyo hirgelinta federaalka, xiriirka wadamada gobolka gaar ahaan shakiga ka taagan isdhex-galka Itoobiya, Eretria iyo Somalia.

Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif ayaa waxay si wadajir u soo dhoweeyeen War-saxaafadeedkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ay kulan deg deg ah iskugu yimaadaan si looga arinsado xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyneyaashii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu shacabka la hadlo, waxay ku adkeeyeen inaan lala sugi doonin inta uu muddo xileedkiisa sharciga ah dhamaanayo.

Shiikh Shariif ayaa isagu si gaar ah ugu eedeeyey madaxda dalka iney doonayaan doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo, iyagoo aan diyaarin siyaasad, amni iyo nidaam lagu wajaho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -