Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo walaac ka muujiyay xaalka hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Mogadishu, June 05, 2020 – Kulan deg deg ah ee uu qabanqaabiyay Ururka
Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) kana dhacay magaalada Muqdisho,
ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha adeegyada
Isgaarsiinta dalka iyo dhibaatooyinka jira iyo guud ahaan xoojinta horumarka
Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ee qeyb weyn ka ah horumarka dalka.

Gabagabadii Kulanka ururku waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobadan hoos
ku xusan:

1. Dhamaan Shirkadaha ku mideysan USIS waxay walaac ka muujinayaan, kana
digeen isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo
Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weyn uu ka taagnaa dhismihiisa.

2. Waxaa marag-madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen
ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu
magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii
Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda
mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta. Iyadoo aan ogsoonahay in
Xubnaha Guddigan oo intooda badan (75%) ay yihiin xubno ka tirsan
Shirkado bah-wadaag ah. Taas oo ka hor imaaneysa Sharciga Isgaarsiinta iyo
Habraacii lagu heshiiyay.

3. Ururka Isgaarsiinta Soomaaliyeed wuxuu mar kale cadeynayaa in
magacaabistii Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay markii horaba si toos ah uga
hor imaneysay Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad
“Iska-hor imaadka Danaha Is-diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in
ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid
noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda.

4. Waxaa ayaandaro ah in Wasiirka Wasaaradda uu dhinac ka noqday
mushkilada isagoo la saftay Guddigii sharci darada ah, islamarkaana uusan
tixgalin madax banaanida Hay`adda sida ku Qod.7aad ee Sharciga
Isgaarsiinta.

5. Hay`adda Isgaarsiintu waa Hay`ad Qaran oo ay door wadatashi ku leeyihiin
dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhinacyada ka
shaqeeya Isgaarsiinta marka ay timaado magacaabista xubnaha Guddiga
Hay`addu yeelanayso sida ku cad Qodka. 30aad ee Sharciga Isgaarsiinta.

6. Ururku wuxuu baaq u dirayaa XFS in laga hortago murankan hareeray
Hay`adda dhexdeeda iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira,
lana dhiso Guddi cusub oo waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo xalaalnoqoshada Hay`adda.

==DHAMAAD==

 

- Advertisement -