Ra’iisul Wasaare Frank oo shaaciyey in dalkiisu iska xoreeyey COVID-19

Dowlada Fiji ee dhacda badda Pacific ayaa ku dhawaaqday inay ka xorowday cudurka COVID-19 isla markaana haatan uusan jirin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka.

Ra’iisul wasaare Frank Bainimarama wuxuu sheegay in guusha laga gaaray cudurka ay ugu wacan tahay wax uu ugu yeeray Ducadoodii oo la aqbalay, dadaal dheeri ah iyo caddeymaha ku saabsan cilmiga seyniska.

Fiji waxay kamid tahay dhowr jasiiradood oo ku yaalla dunida oo laga soo tebiyay kiisaska feyraska, kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 waxaa lagu arkay jasiiraddan bartamihii bishii March arrintaas oo cabsi dhalisay.

Jasiiradaha ku yaalla badda Pacific ayaa loo arkay goobaha u nugul oo uu si xowli ah ugu fidi karo cudurka maadama ay adeegyada caafimaad ee dalalkaas ay yihiin kuwo liita balse waxay dalalkan qaadeen tallaabooyin deg deg ah oo lagu xirayo xadka iyo joojinta howlaha dalxiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -