Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo la wareegtay Gaadiid dagaal iyo ciidankii saarnaa (Daawo Sawirada)

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa bilowday in ay qarameyso maleeshiyo beeleed hubeesan oo ku sugnaa qaar kamid ah magaalooyinka iyo deegaanada maamulkaasi hoos yimaada.

Wasaarada Amniga Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay maleeshiyaad hubeesan iyo gaadiidka dagaalka ay wateen, waxaana maleeshiyaadkan ay la wareegtay Galmudug la filayaa in tababar la galiyo si ay uga mid noqdaan ciidanka Galmudug.

Wasiirka Amniga Glamudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabad maleeshiyaadka iyo hubka lagula wareejinayay Galmudug, waxaa sidoo kale munaasabada joogay Odayaasha beesha ay kasoo jeedaan maleeshiyaadkan.

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo badan oo lagu qarameenayo maleeshiyaadka hubeesan ee ku sugan deegaanada maamulkaasi si ay u noqdaan maleeshiyaadkaasi ciidan rasmi ah oo hoostaga Galmudug.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhoofay Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Eedeyntii ugu kululeyd oo Villa Somalia loo jeediyey & Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Taliye Sambaloolshe oo dalab xasaasi ah hordhigay Ugaaska cusub ee Xawaadle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---