Xaguu ka dambeeyey xiriirka Taliban iyo Al-Qacida kadib heshiiskii Mareykanka ?

Xiriirka u dhaxeeya Taliban, gaar ahaan laanteeda Shabakadda Haqqani iyo Al-Qacida ayaa weli ah mid dhow, waxaa sidaa shaaciyey guddi madax-banaan oo QM ka tirsan, inkasta oo uu jiro heshiiskii Mareykanka iyo Taliban, ee Washington ay fileysay inuu soo afjari doono xiriirka.

“Taliban waxay si joogta ah ula tashanayeen Al-Qacida intii uu socday wada-xaajoodka Mareykanka, waxayna siiyeen damaanad qaad ku aadan inay ilaalin doonaan xiriirkooda taariikhiga ah,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga QM oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka.

Heshiiskii la saxiixay 29-kii Febraayo ee ay la galeen Mareykanka, kaasi oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayaa Taliban waxay ku ballan-qaadeen inay ka hortagi doonaan in Al-Qacida ay ciidda Afghanistan u adeegsato meel ay ku halis geliyaan amniga Mareykanka iyo xulufadiisa.

“Guusha heshiiska waxay ku xirnaan doontaa sida Taliban ay uga go’an tahay inay ku dhiiri-geliyaan Al-Qacida inay joojiyaan dhaq-dhaqaayadooda Afghanistan,” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda QM ee kormeerka cunaqabateynta Afghanistan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii Taliban ay ixtiraamto heshiiska ay keeni karto in kooxda ay u kala qeybsanto laba garab oo kala ah mid raacsan Al-Qacida iyo mid kasoo horjeeda.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in warbixinta QM ay ka hadlayso illaa 15-ka March, qiyaastii laba toddobaad kadib marki la saxiixay heshiiska Mareykanka iyo Afghanistan.

“Waxay qaadeen tallaabooyin dhowr ah, waana inay qaadaan kuwa kale oo dheeraad ah,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in haddii Taliban ay kasoo bixi weyso ballan-qaadyadeeda, Washington ay dib uga fakareyso kuweeda.

Source-VOA

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -