Khilaafkii Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ugu dambeyn la soo afjaray

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Garoowe ka dib khilaaf in muddo ah soo jiitamayey oo labada nin u dhexeeyey.

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu shaaciyey in meesha laga saaray khilaafkii dhinaca maamulka iyo shaqada ahaa ee u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Waxay si wadajir ah Bulshada ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meelna uga soo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.

Soo afjarida khilaafkan ayaa yimid ka dib dedaalo ay sameeyeen isimada Puntland oo in muddo ah u kala dab qaadayey labada dhinac kuwaasoo ugu dambeyn ku guuleystay iney khilaafka meesha ka saaraan labada masuulna isu keenaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -