“Xasuuqii Gololey weli madaxda DF kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna ka qeylin jireen..”

Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa wax lala yaabo ku timaamay in madaxda sare ee dalka aysan weli soo hadal-qaadin dhacdada la xiriirta dadkii lagu laayey degaanka Gololey ee gobolka Sh/hoose.

“Meydadka idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe. Dhacdadaan foosha xun ilaa hada madaxda dowlada Soomaaliya kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna la qaylo dhaamin jireen, marka adigu iska garo, waa tusaale ku filan in aad fahamto heerka uu gaarsiisan yahay naceybka laguu qabo” ayuu yiru Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Waxaa intaas ku daray in haddii aan wax laga qaban arrintan, Cadaaladana la horkeenin raggii geystay ay ka dhalan doonto dhibaato kale oo midaan ka weyn.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto”. Waxaan idiin sheegayaa hadii aan laga dhiidhiyin dhacdadaan foosha xun, gacan ku dhiigleyaashiina la soo qaban, laguna qasaasin isla deegaankii ay xasuuqa ka gaysteen, caawa halla iga qoro “berri waxaad arki doontaan kuwa aan haybtooda la aqoon iyo calooshood u shaqaysteyaal la idiin soo kiraystay oo darsin-darsin dariiqyada idinkugu laynaya”.

Inkastoo madaxda sare ee dalka aysan ka hadlin dhacdadan haddana War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada warfaafinta ee xukuumada Somalia ayaa lagu cambaareeyey falka lagu xasuuqay illaa 8 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la baarayo dhacdadan lana soo qaban doono cidii ka dambeysey.

Askar ka tirsan ciidamada dowlada Somalia oo wejiyada soo qarsaday ayaa la sheegayaa iney ka dambeeyeen xasuuqa dhalinyaradan, iyagoo la xiriiriyey qarax maalmo ka hor gaari ay wateen ciidamada DF lagula eegtay nawaaxiga degaanka Gololey kaasoo ay ku dhinteen illaa 8 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -