Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab iyo dowlada Somalia oo War ka soo saartay (Akhriso)

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ayaa ka dhacday Deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasoo lagu difaacayey Ciidanka Kumaandoska ah Xoogga Dalka ee DANAB sida lagu sheegay War ay soo saartay dowlada Somalia

“Duqeynta lagu difaacayey Ciidanka wax dhibaato uma gaysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-shabaab. Haddii aynu wadajirno Al-shabaab wax uma dhimmi karaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri War-saxaafadeedka oo aan lagu xusin cida duqeynta fulisay, goobta ay ka dhacday iyo khasaaraha ka dhashay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -