Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo qabatay Sargaalkii hoggaaminayay ciidankii Raaskanbooni

Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa nolosha ku qabtay sargaalkii hoggaaminayay ciidankii kumaandooska Gorgor ee dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose

Telefishinka Jubbaland ayaa soo bandhigay in ciidamada Jubbaland gacanta ku hayaan Xasan Ciraaqi, oo ahaa sargaal katirsaaa ciidanka xoogga dalka, ninkan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa hoggaaminayay iidankii la geeyay Raaskanbooni.

Sargaalkan lasoo qabtay ayaa la sheegay in uu baxsaday shalay intii uu dagaalka ka socday deegaanka Raaskanbooni iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada Jubbaland ku guuleesteen in ay soo qabtaan isaga oo dhuumaaleysi ku jira.

Saraakiishii iyo ciidankii dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa shalay noqday kuwa dagaalka lagu dilay, kuwa u baxsaday dhanka Kenya iyo kuwa gacanta u galay ciidamada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo kulan kale la qaatay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, kana aqbalay..

Caydiid Ali

Xukun lagu riday askari dil u geestay taliye koox una gacan qaaday walaashiis

Cabdi Cade

Waa maxay Fadeexada Qatargate ee loo xiray xubno ku dhaw dhaw Netanyahu ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---