Faahfaahino ka soo baxaya cida ka dambeysay dhalinyarada lagu laayey duleedka Balcad

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida ka dambeysay dilka dhalinyaro ka kooban 8 qofood oo meydadkooda la soo dhigay degaanka Gololey ee gobolka Sh/dhexe.

Dhalinyaradan ayaa shalay laga qafaashay degaanka iyadoo warkooda iyo wacaalkooda la waayey muddo 24 saac ku dhow.

Afhayeenka Maamulka gobolka Sh/dhexe Daauud Xaaji Cirro ayaa sheegay in dhalinyarada la laayey ay ahaayeen dhaqaatiir ka howlgaleysay degaanka, isagoo Al-shabaab ku eedeeyey iney ka dambeeyeen dilkooda.

“Allaha u Naxariisto inta dhimatay 9 qof oo 8-kamid ah ay ahaayeen dhaqaatiir ka howlgaleysay MCH-yada Deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad iyo dawaralkoodii oo shalay ay galinkii dambe ay afduubteen Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa hada meydkooda lasoo dhigay tuulada gololeey. Hey’addaha amniga ayaa wada baaris la xiriirta sida uu falka ku dhacay” ayuu yiri afhayeenka.

Balse dadka degaanka ayaa sheegaya in Dhalinyaradan ay shalay ka wateen degaanka ciidamo ka tirsan DF, wax yar ka dib markii uu halkaas ka dhacay qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada oo askar badan ay ku dhimatay, iyagoo xusay iney aaminsan yihiin in ciidankii watay ay ka dambeeyeen dilkooda.

Dil wadareedkan ayaa argagax ka abuuray degmada Balcad iyo degaanada hoos taga, waxaana dhalinyarada meydadkooda la helay ku jiray kuwo caan ka ah degaanka, welina ma jiro hadal ka soo baxay DF iyo Al-shabaab oo ku saabsan cida falkan geysatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -