Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay dalalka Itoobiya iyo Kenya

Kenya iyo Itoobiya dadka laga helayo Corona ayaa sare u kacay 24 saac ee la soo dhaafay, ka dib markii ay kordhiyeen goobaha hubinta iyo dadka laga baarayo cudurka.

147 xaaladood ayaa laga xaqiijiyay Kenya, ka dib markii baaris lagu sameeyay 2,831 qof, taasoo tirada dadka laga helay Corona ee dalkaas ka dhigaysa 1,618 qof sida dowladu shaacisay.

Dhinaca Itoobiya 4,950 oo qof ayaa laga baaray Coronavirus 24 saac ee la soo dhaafay, 100 ka mid ah ayaa laga helay, tirada dadka laga helay ayaana gaartay 831 ruux.

Waa tiradii ugu badnayd ee labadan dal ay diiwaan-geliyaan 24 saac gudahood, waxaana masuuliyiintoodu intaa ku dareen iney qaadayaan talaabooyin lagu xoojinayo la dagaalanka iyo ka hortaga cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -