Maxaa ka soo baxay Shirkii amniga Galmudug ee ka dhacay Dhuusamareeb? (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka  Galmudug ayaa maanta guddoomiyay shirkii amniga Galmudug oo todobaadkiiba mar ka dhaca caasimadda Galmudug magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa waxaa diiirada lagu saaray sare u qaadida amniga guud ee Galmudug, iyadoo Mas’uuliyiintu sidoo kale ku dheeraadeen sare u qaadida Amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deganada kale ee hoos taga Maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid  ayaa Saraakiisha  Booliska, Nabad-sugida iyo Milatariga  Galmudug ka dhegaystay warbixino la xiriira xaalada amniga Galmudug iyo goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka amni daro si wax looga qabto.

Warbixinta Saraakiisha Amniga ka dib  Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa bixiyay Awaamir  sare logu qaadayo Amniga  guud ee Galmudug gaar ahaan  Amniga caasimadda Galmudug  ee Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda, waxaana shirkaas uu ku dhamaaday jawi isfaham leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -