Mashruuca daryeelka hooyada & dhallaanka oo lagu kordhiyey Isbitaalka Jaamacadda Benadir (Daawo Sawirro)

Isbitaalka Jaamacadda Benadir ee daryeelka bulshada & Tababarka Shaqaalaha Caafimaadka oo ku yaalla degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo kordhiyey mashruuc cusub oo u gaar ah daryeelka hooyadda dhallaanka.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Benadir & hay’adda (Doctors Worlwide Turkey) ee dalka Turkiga ayaa ah mid bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan shacabka degaanka sida uu sheegay guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlayey Munaasabad lagu daah-furayey mashruucan oo lagu qabtay xarunta isbitaalka taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Jaamacadda Benadir, Maamulka degaanka Garasbaaley, xubno metelayey qeybaha bulshada degaanka, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar labaad boorka ka jafno isbitaalka tacliimiga ah ee Jaamacadda Benadir oo muddo labo sano ku dhow ka furan degaanka Garasbaaley oo nasiib u yeeshay mashruucan aan maanta daahfureyno, wuxuuna leeyahay faaiidoyin qiime badan oo bilaash ah sida la socoshada hooyada xiliga uurka, Umulinta iyo haddii loo baahdo qaliin, iyo tallaalka iyo daryeelka caruurta bilaha hore ee dhalashooda kaddib. Mashruucan oo qaybta ugu muhiimsan ay noqon doonto Shaqaalaha caafimaad oo daryeel caafimaad bulshada ugu gayn doona degaannadooda sida guryaha iyo xeryaha barkacayaasha ( Outreach health care). Waxaana Isbitaalka 24-ka saac xaadir ku ah dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal ku taqasusay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray in isbitaalkan uu ka yimid dadka, una yimid dadka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa guddoomiyaha Jaamacada Benadir waxaa uu sheegay in isbitaalkan loo bixiyey (Isbitaalka Jaamacadda Banaadir ee daryeelka bulshada & tababarka shaqaalaha Caafimaadka) sababta magaca daryeelka bulshada loo soo hormariyeyna ay tahay isagoo muhimad gaar ah siin doona bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanka” ayuu yiri Dr. Dalmar oo shacabka degaanka Garasbaaley ama KM13 ka codsaday iney ka faa’iideystaan, ilaashaadaana Isbitaalka lana shaqeeyaan dhaqaatiirta iyo maamulka uu leeyahay wuxuuna u mahad celiyey heyadda Doctors Worlwide ee dalka Turkiga oo kaalin weyn ka geysaneysa fulinta mashruucan.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka oo iyana xafladan ka hadlay ayaa ku farxay soona dhoweeyey hirgelinta mashruucan oo ay sheegeen iney baahi weyn u qabeen ayna ka nasan doonaan safarkii iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee kaga bixi jiray isbitaalada Muqdisho, iyagoo balan qaaday iney si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalkan, waxayna u mahad celiyeen Maamulka iyo Mu’sasada Jaamacadda Banaadir iyo dhamaan intii kale ee gacanta ka geysatay taaba gelinta Mashruucan qiimaha badan.

Waxaa sidoo ka hadlay munaasabadan ka hadlay Prof. Cabdullaahi Sheikh Xuseen Guddoomiyaha Mu’asasadda Benaadir, aqoonyahano iyo xubno kale oo ku dheeraaday faaiidada ballaaran ee uu mashruucan u leeyahay hooyada iyo dhallaanka sida loogu baahan yahay in looga faaiideysto.

Isbitaalka tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo ah kii ugu weynaa noociisa ee dalka laga hirgeliyo ayaa xariga laga jaray bishii Janaayo ee sanadkii 2015, waxaana dhismihiisa iyo qalabeyntiisa ku baxday Malaayiin dollar oo ay bixisay Mu’asasada Jaamacadda Banaadir oo aan cid kale la kaashanin, wuxuuna leeyahay qeybaha bukaan socod eegtada, gargaarka deg dega ah, qaliinka, umulinta, farmashiye iyo qalabka asaasiga ah loo adeegsado Caafimaadka sida Sheybaarada, raajada,  Computarada baaritaanka iyo 220 sariirood, waxaana maalin kasta fariisin kara 30 dhaqtar oo qaabili kara illaa 500 oo bukaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -