Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo la wareegaya sugida amniga Magaalada Muqdisho

Xukuumdda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa iney amniga magaalada Muqdisho ku wareejiso ciidamo isku dhaf ah ee ka kala tirsan Booliska, Asluubta iyo Milatariga Soomaaliya.

Ra`isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay booqday xarumo ay joogeen ciidamadaasi la doonayo inay sugaan amaanka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jen. Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa hadal kooban ka jeediyay Munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamada ka kala tirsan Asluubta Booliska iyo waliba Milateriga kuwaasoo la sheegay inay yihiin ciidamo cusub oo ku soo biiray ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, loona diyaariyay sugida amniga Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay dhalinta cusub ee ka mid noqatay ciidanka qalabka sida inay diyaar u yihiin sugida amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna u sheegay ciidamda cusub ee ka mid noqdqay ciidamda qalabka sida ee dowladda Soomaaliya in looga fadhiyo sugida amniga caasimada Muqdisho, isagoo xusay in shacabka Soomaliyeed iyo dowladooda ay dagaal kula jiraan kooxo oo ku sheegay inay yihiin argagixiso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya maalmahan dilal qorsheysan oo inta badan dhaca xiliyada habeenkii, kuwaasoo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan, isla xalay ayeyna aheyd markii Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay labo askari oo ka kala tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo taabacsan Xaaf oo loo diiday in ay galaan  Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay James Swam iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Askari ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada Puntland oo lagu dilay Garowe

Caydiid Ali