Xoogsato ka shaqeysta kaawada oo dil iyo dhaawac loogu geystay gobolka Woqooyi bari Kenya

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar shalay galinkii dambe ka dhacay degaan hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Woqooiy bari Kenya kaasoo ay fuliyeen sida la sheegay dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha qoda Cara Kaawada sida ay xaqiijiyeen madaxda amniga ee gobolka, waxaana sidoo kale jira dhaawac soo gaaray qaar kale oo ka mid ah shaqaalahaasi oo dhamaantood Kenyati ah.

Wararka ka soo baxaya deegaankaasi ayaa maanta tilmaamaya in halkaas la geeyay ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasoo la sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii weerarkaas ka dambeysay.

Sanadkii 2014-kii ayaa weerar noocaan oo kala ah wuxuu ka dhacay isla gobolkaan kaasoo lala beegsaday shaqaale qodayay kaawada, waxaana weerarkaas ku dhintay in kabadan 36 ka mid ahaa shaqaalaha qodda Cara-kaawada.

Al-shabaab oo qaaday weeraro badan oo ay ku beegsatay dadka Kenyatiga ah ee ku nool gobolka ay Soomaalidu degto ee woqooyi bari Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -