Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowladda Sacuudiga oo qaadaysa xanibaada ka dhalatay cudurka COVID-19

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA

Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan.

Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina.

Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay.

Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Dr. Mamunur Rahman Malik (Sawirro)

Caydiid Ali

Goormay Shacabka Muqdisho bilaabi doonaan raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir?

Caydiid Ali

Xoghayaha Joogta ee Wasaarada Ganacsiga oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---