Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaari nooca xamuulka ah oo dad badan ku laayey isgoys ku yaalla Muqdisho

Gaari nooca xamuulka ah oo fariinka goostay ayaa la sheegay inuu goor dhow oo caawa fiidkii ah dad badan ku laayey nawaaxiga isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga dul maray goob ay dhoobnaayeen mootooyin badan oo kuwa bajaajka ah iyo dad shacab ah oo wadada dhinaceeda socday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Gaariga xamuulka ah oo ku socday xawaare sareeya, taasoo keentay inuu darawalkii waday uu xakameyn waayo markii uu fariinka goostay, isagoo ka dibna cagta mariyey gaadiidkii ku sugnaa isgoyska H/wadaag oo xiligaas mashquul iyo ciriiri badan uu ka jiray.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen shilkan naxdinta leh ee caawa ka dhacay isgyska H/wadaag, halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaas ay isugu jireen kuwo bajaajyo la socday iyo qaar socday wadada hareeraheeda

Waxaa kacsan xaalada goobta shilkan foosha xun uu ka dhacay oo ay gaareen ciidamo ka tirsan DF iyo dadweyne u gurmaday dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana la sheegay in xaalad argagax leh ay ka jirto dalkaas, iyadoo dadka qaar ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay  uu si fool xun shilkaas u saameeyey

La soco wixii soo kordha  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf soo kala dhex galay Xamse Barre & ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali

Diyaarad lagu qiinmeeyay 80-Milyan Dollar oo bur burtay iyo baadigoob socda

Cabdi Cade

Daawo:-War Kasoo Kordhay Buuqii Ka Taagnaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho & sarkaal Al-Shabaab ah oo …

admin
Taboola Ads ---