Xiddig oo sheegay iney dacwad ku soo oogayaan Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa xubnihii Isbedeldoonka Jubbaland ee la heshiiyey Axmed Madoobe ayaa sheegay inay dacwad ku soo oogayaan Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madiera.

Xiddig ayaa ku eedeeyey danjire Madeira inuu shirkii Golaha Ammaanka ugu gafay Beel Soomaaliyeed.

C/rashiid Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, maadaama uu si qaldan uga hadlay Arrimaha gudaha ee Soomaaliya

Danjire Madiera oo ka hadlayay maalmo ka hor Shirka Golaha ammaanka QM ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka ee Beeshiisa ka tirsanaa ay heshiiyeen.

Qaabka uu hadalka u dhigay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madiera ayaa waxaa dhibsaday masuuliyiinta Jubbaland iyo siyaasiyiinta isbedeldoonka ee la heshiiyey oo jeclaan lahaa in warka loo dhigo khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland in la dhameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -