Diyaarad ku dageysay Qansax Dheere oo rasaas lagu furay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo siday gar gaar maanta rasaas lagu furay xili ay dooneysay in ay ku degto garoonka diyaaradaha Qansaxdheere.

Sida aan wararka ku helnay kooxo aan wali heebtooda la shaacin ayaa diyaarada rasaas ku furay xiliga ay dageysay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in qaar kamid ah rasaastaasi ay ku dhacday diyaarad balse aysan waxyeelo gaarsiin.

Diyaarada ayaa rasaasta kadib kasoo duushay degmada Qansaxdheere iyadoona kusoo laabatay magaalada Muqdisho, lamana oga wali cida rasaasta ku furtay diyaaradaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarkan diyaarada gar gaarka waday lagu qaaday ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan diyaarad ay leedahay shirkada Afrikan Airways lagu soo riday degmada Bardaale kadib markii ciidamada Itoobiya gantaal ku dhufteen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -