Madaxweyne dal caan ah oo bixiyey raali gelin ku aadan sharci uu jebiyey

Madaxweynaha dalka Austria Alexander Van der Bellen, ayaa raaligelin bixiyay kaddib markii uu jabiyay mid ka mid ah sharciyada lagula tacaalayo faafidda cudurka coronavirus.

Maqaayad ku taala caasimadda Vienna ayuu madaxweynaha ka cashaynayay halkaasoo uu ku daahay, balse wuxuu baal maray tallaabooyinka iyo sharciyada bandawga ee ka jira dalkaas oo aan a ogoleyn in lagu daaho maqaayadaha iyo goobaha lagu kulmo.

Van der Bellen, oo 76 sano jir ah ayaa sheegay in intii uu la sheekaysanaayay asxaabtii goobta kula sugnayd uu hilmaamay inuu eego saacadda.

“Waa markii ugu horreysay ee aan baxo intuu uu bandawga jiray, saacadda inta ay tahayna ma eegin oo waan hilmaamay”. Sidaas ayuu bartiisa twitter-ka ku qoray.

Madaxweynaha oo xilli saqda dhexe ah fadhiyay bannaanka maqaayadda ayaa waxaa halkaas kula kulmay booliska, sida ay warbaahinta dalkaas shaacisay.

Balse dowladda ayaa dhawaan soo saartay sharciyo maqaayadaha dib loogu furayo, waxaana la amray inay u hoggaansamaan tallaabooyinka lagula tacaalayo fayraska corona.

Maqaayaddaasi ayaa laga yaabaa in loo ganaaxo sharciga ay jebisay, balse madaxweynaha ayaa sheegay inuu “qaadanayo mas’uuliyadda” waa haddii milkiilaha goobtaasi ay khasaaro kasoo gaarto dhacdadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -