Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Jadwalka cusub ee Maxkamada ICJ u dejisay dacwada Badda 2021-ka

Maxkamada ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhegeysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Dib u dhacan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday DF Somalia oo dooneysay in dacwada la bilaabo xiligii balan-sanaa oo ku beegan bisha soo socota ee June.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay, waxayna soo saartay sidoo kale jadwalka cusub ee dhegeysiga dacwada oo noqonaya sidatan:-

Wuxuu dhageysiga bilaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed baxyo caro leh oo ka dhacay qeybo ka mid ah Somaliland & booliska oo rasaas furay

Caydiid Ali

Xamse Barre oo daahfuray Mashruuc ay dad badan ka faa’iidi doonaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo si KMG ah u fasaxday Duulimaadyada Caalamiga iyo Hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---