FARXAD MISE KHATAR AAMUSAN..?! (Soomaaliya iyo Maalmaha Ciida)

Dalkan inuu yahay Dal dadkiisa Rabshad (Violent) lagu barbaariyo waxaad ku fahmi kartaa sawirka hoos idinkaga muuqda.

Caruurteena Soomaaliyeed maalinta Ciidda waxa ugu badan ay Iibsadaan waa Qori macmal ah oo Baaruud ka dhacda iyo Bastoolado ka dhacaysa Kuul isla markaana dhalisa mararka qaarkood in caruur badan Isha iska ridaan ama waxyeelo ka soo gaarto maalinta la wada faraxsan yahay in caruur qaarkood loola cararo Isbitaal farxaddii reerka ay ku jireen murugo isku badesho.

Si arimahan looga gaashaanto waxay ahayd inaan la fasaxin ka ganacsiga Agabka nooca hubka caadi la mid noqon kara. Inkastoo marar badan laga soo saaray amaro iyo wareegtooyin la xanibayo soo dejinta Agabkan haddana waxaa muuqanaysa inuu ka soo degayo Dekedda Muqdisho Suuqyadana si caadi ah loogu Iibinaayo.

Waxaan Ehelada Caruurta Soomaaliyeed kula talin lahaa inaysan u Iibin Agabkan dhibka u keeni kara Caruurtooda horena loo arkay waxyeelada uu sababay.

Badqab ku Ciida, Mahadsanidiin.

WQ: Said Ibraahim Hussein (Buuna)
Rug caddaa Saxaafadeed & Samafale
Mogadishu. Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -