Allbanaadir.com
NEWS

Dibed baxyo caro leh oo ka dhacay qeybo ka mid ah Somaliland & booliska oo rasaas furay

Shacab fara badan ayaa isugu soo baxay deegaanada Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag kuwaasoo ka careysan xarigii boqor Cusmaan Boqor Buur-madow oo xalay lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Degaanadan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Boqor Buur-madow ayaa waxaa dadkii isu soo baxay ay dalbadeen in la sii daayo boqorka.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaas ku furay dadkaas dibad baxa dhigayay oo qaarkood rabshado sameynayey, inkastoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamada  iyo in kale.

Booliska Somaliland ayaa Boqor Buur-Madow ku eedeeyay inuu fasax la`aan aaday degaanada Puntland isla markaana uu kaga dhawaaqay ereyo dhaawacaya Qarannimada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax raali gelin buuxda ka bixiyey hadal ay ka caroodeen Soomaalida Kenya

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Dowlada Somalia oo ku dhawaaqday Guddi iskaashi toos ah iyo Wada shaqeyn la sameenaya…

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo soo saartay amar culus oo ku socda heyadaha gargaarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---