Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Milatariga Soomaaliya oo kormeer ugu tagay ciidamo dagaal loo diyaariyay (Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta  kormeer ku tagay Dugsiga Har-qaboobe ee kuyaala magaalada Guriceel halkaas oo ay ku xareesan yihiin ciidamo badan oo howlgal dagaal loo diyaarinayo.

Dugsiga Har-qaboobe waxaa ku xareesan ciidamo laga kala keenay magaalooyin kala duwan , ciidankan ayaana halkaasi ku qaadanayay tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar gareeyo howlgalo ay ku xureenayaan deegaanada Galmudug ka maqan gacantooda.

Saraakiisha xerada Har-qaboobe ayaa warbixin ka sa siiyay taliyaha tababarka ciidanka halkaasi uga socday, waxa ayna sheegeen in ciidankan u diyaarsan yihiin difaacada dalkooda iyo sidii deegaanada Galmudug uga saari lahaayeen cadawga.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsiga kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey ,waxaa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto aqoontooda.

Ciidamadan ku xareesan dugsiga milatari ee kuyaala magaalada Guriceel ayaa loo diyaarinayaa in Al Shabaab kala wareegaan magaalooyin ay kamid yihiin Ceelbuur, Ceeldheer iyo Xarardheere oo dhamaan gacanta Al Shabaab ku jira.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo lala wadaagay Codad argagax leh oo laga duubay Dilkii Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Bangiga Dhaxe ee Dalka oo Warqad Ogolaansho ah siiyay Labo Bangi oo Caalami ah

Cabdi Cade

Ciyaartoy iyo Dhaqaatiir ka timid Australia oo Garawe lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---