Allbanaadir.com
NEWS

Wiil uu dhalay Madaxweyne Paul Kagame oo xil sare loo magacaabay

Wiil dhalinyaro ah uu dhalay Madaxweynaha dalka Rwanda oo lagu magacaabo Ivan Kagame ayaa loo magacaabay in uu noqdo xubin sare oo katirsan guddiga hormarinta ee dalkaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Rwanda ayaa loogu magacaabay curudka Madaxweynaha Rwanda Ivan Kagame in uu xubin muhiim ah ka noqdo guddiga horumarinta dalka Rwanda.

Ivan Kagame oo ah 30-sano jir ayaa jaamacada heerka labaad ka gaaray jaamacad kutaala dalka Mareykanka, wiilkan ayaana ahaa mid aan lagu arag siyaasada sidoo kale kama soo muuqan jirin baraha bulshada.

Talaabadan uu Ra’isul Wasaaraha dalka Rwanda xilka sare ugu magacaabay wiilka uu dhalay Madaxweyne Paul Kagame ayaa noqoneysa markii ugu horeesay oo wiil uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi jago sare loo magacaabo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho Balan qaadna sameeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Facebook oo dadka Isticmaala waydiisanaysa in Sawirro qaawan usoo diraan iyo Sababta ka Dambeysa

Cabdi Cade

Xildhibaan Muqdisho lagu karantiilay markii looga shakiyey cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---