Bangiga Dhaxe ee Dalka oo Warqad Ogolaansho ah siiyay Labo Bangi oo Caalami ah

Bankiga dhaxe ee Soomaaliya ee xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa markii ugu horeysay warqadda ogolaanshiyaha in ay ka shaqeeyaan gudaha dalka siiyay laba banki oo ajnabi ah oo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga.

Shir ay yeesheen guddiga maamulka Bangiga dhaxe ee Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay in warqada ogolaanshaha ay dalka uga shaqeenayaan la siiyo labada bangi ee kala ah Bangiga Masar iyo Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta shati siiyaan labo Bangi oo caalami ah si ay dalka uga shaqeeyaan.

Labadan Bangi ee laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ajaaniib leedahay oo dalka ka howlgala, waxaana labadan bangi la filayaa in wax badan kusoo kordhiyaan hannaanka maaliyadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -