Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Donald Trump oo lala wadaagay Codad argagax leh oo laga duubay Dilkii Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in lala wadaagay codad laga duubay qaabkii loo dilay Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Waxa uu sheegay Trump in lala wadaagay dhamaan macluumaadka codka laga duubay dilka Khashoggi balse uusan dhageesan , waxa uuna xusay in codka la duubay laga dhageesan karo sakaraad iyo dhawaq murugo leh ayna adag tahay in uu dhageesto.

”Wax kaste oo cajalka ku duubaan waan ogahay anoon dhagaysanin, waa duubid laga sameeyay sakaraad iyo dhawaqyo argagah leh, waana arrin aad u fool xun” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Trump ayaa sheegay in laga yaabo in cidina aysan ogaanin cidda dilkaas ka dambaysay, wuxuuna farta ku fiiqay cunaqabataynnada uu Maraykanku saaray dadka lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka.

“Iyadoo taasi jirtana iskaashi ayaan leenahay, waxaana doonayaa in aan garab istaago dal aan iskaashi leenahay siyaabo badanna u wanaagsanaa,” ayuu sheegay Madaxweyne Trump.

Hay’ada Sirdoonka Mareykanka CID-da ayaa sheegtay in ay tuhmayaan in dilka Wariye Jamal Khashoggi uu amray Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaana arinaasi iska diiday Sacuudiga oo sheegay in Amiirka uusan waxba ka ogeyn dilkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo weerar ku qaaday xarunta Nabad sugida Jubbaland

Cabdi Cade

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday bartamaha Magaalada Rome

Caydiid Ali

DFS oo War kasoo saartay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo ka socda Galgaduud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---