Ciyaartoy iyo Dhaqaatiir ka timid Australia oo Garawe lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku yimi Puntland.

Kulanka waxaa Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Ciyaaraha ee Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof.

Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -