Kheyre oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho Balan qaadna sameeyay (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil ciidan ayaa xalay saqdii dhaxe booqday qaar kamid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii lagu weeraray xarunta Oto Oto.

Kheyre ayaa indhihiisa kusoo arkay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii iyo weerarkii shalay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha dadkaasi la qeyb sanayay xanuunka iyo dhibaatada soo gaartay.

R/Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowlada garab taagan tahay ayna dibada u qaadi doonto dadka dhaawacyada culus qaba, waxa uuna ilaah uga baryay in caafimaad siiyo dadkii wax ku noqday qaraxyadii shalay kuwii dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa uu sheegay Kheyre in Al Shabaab yihiin koox aan u naxeyn shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta ku mashquulsan dhibaateyn, waxa uuna cadeeyay in dowlada mar walbo ka shaqeyn doonto helida amaan iyo xasilooni ay kunoolaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay ku dhawaad 20-qof oo u badnaa dad sacab ah, waxaa sidoo kale Isbitaalada lagu daweenayaa dad badan oo qaraxyadaasi ku dhaawcamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -